seylaan
Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.


news
 
HomeLatest imagesSearchRegisterLog in

 

 Afhayeenno u hadlay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo guulo ka kala sheegtay Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Waaberi

Go down 
AuthorMessage
Admin
Admin



Posts : 5
Join date : 2008-05-04

Afhayeenno u hadlay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo guulo ka kala sheegtay Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Waaberi Empty
PostSubject: Afhayeenno u hadlay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo guulo ka kala sheegtay Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Waaberi   Afhayeenno u hadlay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo guulo ka kala sheegtay Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Waaberi I_icon_minitimeFri May 09, 2008 3:42 am

Jimco, May 09, 2008: Labo Afhayeen oo u kala hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay guulo iska soo horjeeda ka sheegteen Dagaal shalay casir-liiqii ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac ayaa sheegay in ay dagaalkaas uga dileen Xoogaggii soo weeraray shan ruux, halka uu xusay in ay Seddex Ruuxna gacanta ku dhigeen.

Shaacshaac oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ciidamadooda oo ku sugan Isgoyska Dabka ay weerar ku soo qaadeen Kooxo hubeysan, kuwaasi oo uu xusay in ay iska caabin kala kulmeen Ciidamada Dowladda ee Isgoyskaas ku sugnaa.

Dhanka kalena, Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo isna wax laga weydiiyay dagaalkaas ayaa wuxuu sheegay in ay 8 Askari ka dileen Ciidamo ku sugnaa Isgoyska Dabka iyo Saldhigga Degmada Waaberi, sidoo kalena ay soo furteen hub faro badan, ayna gubeen labo gaari oo Saldhiggaas yaalay.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in uu dagaalkaas uga shahiiday hal mujaahid, halka uu xusay in ay sidoo kale uga dhaawacmeen seddex mujaahid oo kale, kuwaasi oo uu xusay in aysan wax khasaaro qabin, bacdamaa sida uu yiri ay u dagaalamayeen xoreynta dalkooda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan ma jirto cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijisay khasaaraha dagaalkas ka soo gaaray dhinacyadii shalay ku dagaalamay xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Back to top Go down
https://gaalkacyo.board-directory.net
 
Afhayeenno u hadlay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo guulo ka kala sheegtay Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Waaberi
Back to top 
Page 1 of 1

Permissions in this forum:You cannot reply to topics in this forum
seylaan :: News-
Jump to: